|

Maxamed Siciid Oo loo yaqaan Atom waxaa uu ka mid ahaa ardeyda Jaamadaha Gobalka Bari Gaar ahaana Magaalada Boosaaso,isagoo nin ganacsade ahaana in mudokooban ah.
War laga Soo xigtay Dad Boosaaso Joogo ayaa sheegayo in Shiikh Atom uu iminka siweyn ugu hanjabay Maamulka Dawlad Gobaleedka Puntland isagoo ku goodiyay dagaalo jihaad oo uu yiri waxaa la qorsheeyay illaa sanadii hore.
Taaso ujeedadu tahay in halkaasi laga hergaliyo Maamul u dhigmo kuwa Alshabaab ee Magaalooyinka Koonfurta , waxayna ahayd riyo uu Maxamed Siciid Atom xambaarsanaa illaa markii uu ardayga ka ahaa jaamacad Boosaaso ku taal. Wuxuu markii koowaad qirtey in uu ka tirsanyahay Alshabaab, islamarkaasina soo dagaalamayay muddo shan sanno ah.
Ilo xog ogaal ah ayaa xaga kale sheegay inay Aamin sanyihiin in laga Maalgaliyo Dekeda Kismaayo Ee Koonfurta Soomaaliya Kooxda hubeysan ee hada kasoo shaacbaxday Gobalka Bari.
Sidoo kale waxaa wali aan shaacbixin wararka tibaaxayo inuu jiro xiriir qoto dheer oo xeebaha Yemen Kooxo kusugan ay ku lugleeyihiin dagaalka Bariga Soomaaliya,ayadoo dadka qaarkood ay sheegeen in Saanad Millitary oo Yemen looga keenay Kooxaha Koonfurta Soomaaliya ay halkaas u tageen kooxaha Puntland Weeraray.
Maamul Gobaleedka Puntland ayaa waxaa kooxda uu hogaamiyo Shiikh Atom ayaa ay sheegen inay hayaan cadeymo muujinayo xiriirka u dhaxeeyo Malleeshiyada Alshabaab IyoDhinaca kooxdan Cusub.
Laakiinse arintaas waxaa gaashanka U daruuray Afhayeenka Malleeshiyada Xarakata Alshabab Shiikh Cali Dheere isagoo yidhi" Waxaan leeyahay dagaalku wuxuu u dhexeeyaa dad dhibaato lagu hayay iyo ciidamada Puntland".
Hadaba Hadii Aqristow sheekadu isku Tuurtuurmareyso Yaa Qaadanayo Masuuliyada Dagaalkan oo ay kasii horeeyen Dad lagu dilay Magaalooyinka Puntland.
Maxamed Salaad Cabdulle Xafiiska Wararka Shabakada IIROON Nairobi –Kenya. E;Msalaad 5@hotmail.com T;+254 728 43 13 68
|