|
Written by Maxamed Salaad Cabdulle
|
|
Thursday, 29 July 2010 16:29 |
|

Mohamed Farah oo ka qayb galay cayaraaha European Championships kuwa oo lagu qabtey Magaalada Barcelona dalka Spain ayaa ku guulaystey oradka 10.000m kadib markii uu ku orday 28.24.99 Waxaana uu gacanta ugashay bilada dahabka ee Championaha.
Wiilka Soomaaliga ah ayaa noqday oradyahankii ugu horeyay taariikhda dalkaan Britain ee Qaato bilad dahab ah waa marka laga hadlayo oradada10.000m ee Europe.
Wargeysyada Kasoo baxo London ayaa si wacdaro leh Cinwaano ugu Sameeyay Dulucda warka kusaabsan Guusha uu dalka Britian u soo hoyiyay wiilka Soomaaliga ah.
Sikastaaba ha ahaatee oradyahanka Moha Farah ayaa ka mid ah dhalinta Soomaaliyeed ee Jinsiyadaha Europeanka ah qaatay markii dalkoodii ay Colaaduhu ragaadiyeen kuwaas oo ka ciyaaro wadamada Qurbaha.
Maxamed Salaad Cabdulle Xafiiska Wararka Shabakada IIROON Nairobi –Kenya. E;Msalaad 5@hotmail.com T;+254 728 43 13 68
|
|
Last Updated on Thursday, 29 July 2010 18:27 |