|
Written by Saalim
|
|
Wednesday, 28 July 2010 10:31 |
|
Dowladda KMG ah ayaa si kulul u cambaaraysay dhibaatada uu maamul beeleedka Puntland ugaysanayo shacabka Soomaaliyeed ee ku noolaa magaalooyinka dhaca Waqooyi Bari ee dalka Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha Bulshada Dowladda KMG ah Prof. Max'med Cumar Dalxa oo saxaafadda Muqdisho lahadlay ayaa sheegay in Puntland ay ku dhaqaaqday Xad gudub weyn oo aan loo dul qaada karin.
Dalxa wuxuu sheegay in ay xaaraan tahay in shacab Soomaaliyeed Qaxooti looga aqoonsado magaalo kamid ah magaalooyinka dalka Soomaaliya taasina ay tahay Godob laga galay Soomaaliweyn.
"waan ka xunahay waxa uu ku dhaqmay maamulka Puntland waa xaaraan in shacab Rayid ah labarakiciyo oo Qaxooti lagu sheego, sharciyada caalamiga ah ma qabaan in dad dalka gudihiisa ku Barakacay Qaxooti lagu tilmaamo taasi waa khalad dadkani waa Muwaadiniin megengelyo u doontay magaalooyin Soomaaliya kamid ah ma ahan in sidii Ajaanib loola tacaamulo"ayuu yiri Dalxa.
Wasiirka arrimaha Bulshada ayaa maamulka Puntland ugu baaqay in uu ka laabto Talaabta uu shacabka masaakiinta ah ku raafay waxaana la sheegay in maalin uu lala xisaabtami doono maamulada sida xun ula dhaqma shacabka Soomaaliyeed.
|