|
Written by Saalim
|
|
Wednesday, 28 July 2010 09:49 |
|
Maamulka lamagac baxay Puntland ee uu hogaamiyo Cabdi Raxmaan Faroole ayaa markale ku dhaqaaqay Howl isir sifayn ah oo ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed ee kasoo jeedo Koonfurta dalka Soomaaliya.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Cabdi Raxmaan Faroole ee magaalada Garowe ayaa lagu amray ciidamada Puntland ee ku sugan waqooyiga magaalada Gaalkacyo in ay celiyaan gaadiidka dadaweynaha ee Rakaabka kasoo qaada Gobalada Koonfureed ee Soomaaliya.
Duqa magaalada Gaalkacyo u qaabilsan maamulka Puntland Cabdi Raxmaan Xaaji Xasan oo saxaafadda u aqriyay wareegtada kasoo baxday Faroole ayaa sheegay in qof kasta oo Koonfurta Soomaaliya katimid aysan geli karin magaalooyinka Puntland.
"madaxweynuhu wuxuu nafaray in aan celino gaadiidka Koonfurta kasoo daabula shacabka, laga bilaabo maanta ma ogolaa doono in qof Koonfur ka yimid uu Boosaaso iyo Garowe ugudbo kaliya waxaa la ogolaaday gaadiidka Xoolaha keena in ay gudbaan waxaana qaabili doonaa Darawalka gaariga iyo Korishboyga"ayuu yiri Cabdi Raxmaan Xaaji.
Talaabtan ay Puntland qaadatay ayaa ah dhibaata kale oo loo gaysanayo shacabka Koonfurta waxaana muuqanaysa in Faroole uu qaab beeleed ku ficlayo shacabka Soomaaliyeed taasi oo khilaafsan dhaqanka soomaaliyeed ee suuban.
Ganacsatada Koonfurta ayaa laga yaabaa in ay Mamnuucaan ganacsiga kala dhexeeyo Reer Puntland sida Dhoofinta Khudaarta, Xoolaha iyo Saliidda taasi oo saamayn ku yeela doonta reer Puntland.
|
|
Last Updated on Thursday, 29 July 2010 16:39 |