|
Written by Saalim
|
|
Tuesday, 27 July 2010 12:45 |
|
Xaaladda magaalada Muqdisho oo ay shalay ka dhaceen dagaallo culus ku dhaxmareen ciidamadda shisheeye iyo xoogaga Islaamiyiinta ee kacdoonka ka wado magaalada Muqdisho.
Dagaaladii shalay ka dhacay Waqooyi Bari ee magaalada Muqdisho ayay guulo ka kala sheegteen Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Dowladda KMG ah waloow aysan ciidan dowladda katirsan ka qayb qaadan.
Afhayeenka Ciidanka Xarakada Shabaab Sheekh C/Caziiz Abaa Muscab oo shir Jaraa'id qabtay ayaa sheegay in ciidankoodu ay la wareegeen Dekadii Duqda iyo Saldhig Bari ee degmada C/Caziiz.
Wuxuu sheegay in ay dileen ku dhawaad 16 Askari oo katirsanaa ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM sida uu hadalka u dhigay, gudoomiyaha degmada Shibis u qaabilsan DKMG ah Kulmiye Yabarow Haruur ayaa isna sheegay in dhankooda ay guulo gaareen.
Weli wax war ah kamasoo bixin saraakiisha Ciidanka AMISOM oo qayb ka ahaa dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay degmooyinka Boondheere iyo C/Caziiz ee magaalada Muqdisho.
|